3:16 pm - Tuesday January 20, 7052

Manchester United oo £57million Ku Dooneysa Cavani Iyo Silva

349 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Manchester United oo £57million Ku Dooneysa Cavani Iyo Silva

Edinson-Cavani-Thiago-Silva

Manchester United ayaa qorshaynaysa in ay dalab rasmi ah u dirto kooxda Paris Saint-Germain oo ay ka dooneyso labada ciyaartoy ee Edinson Cavani iy Thagio Silva, kuwaas oo ay ku dooneyso lacag dhan £57million, sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa waxay in muddo ah daba socotay Cavani iyadoo si fiicanna uu u danayn jiray tababarihii hore ee kooxdaas ee David Moyes, xilligaas oo dhawr jeer oo uu isku dayey in uu keeno Old Trafford weeraryahanka reer Uruguay aanay u suurtogelin, hase yeeshee tababaraha wakhtigan ee Louis van Gaal ayaa damacaas soo cusboonaysiiyey isagoo ku sii daray difaacyahanka Silva.

Manchester United waxa kale oo lala xidhiidhinayaa sida uu wargeysku qoray, weeraryahanka Real Madrid ee Gareth Bale kaas oo la sheegay in lagu iibinayo £95million. Warku waxa uu intaa ku daray in tababaraha u dhashay wadanka Holland ee Van Gaal uu doonayo in kooxdiisu noqoto mid kalsooni leh oo ciyaartooyo magac waaweyyni ay joogaan.

Van Gaal ayaa doonaya in Angel Di Maria uu qayb ka noqdo heshiiska Bale isla markaana uu dib ugu noqdo Real Madrid isla markaana inta lacag la raaciyo lagu soo beddesho Gareth Bale.

Tababarare Van Gaal oo ay saxaafaddu weydiisay in ay ka go’an tahay in uu ciyaartooyo keeno kooxdiisa xagaaga, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Shaki igagama jiro in ciyaartooyo cusub ay imanayaan Manchester United.”

Van Gaal ayaa u arka difaacyahanka 30 jirka ah ee reer Brazil ee Silva in uu yahay ninka ugu habboon ee kooxdiisu tebayso isla markaana buuxin karaya khadkiisa dambe ee mushkiladdu ka taagan tahay.

PSG ayaa Silva sannadkii 2012 kaga soo iibsatay AC Milan lacag dhan £35m, waxaanu kooxdaas u horseeday guulo badan, iyadoo lagu tiriyo kooxaha dunida ugu difaaca wanaagsan.

Difaacyahanka Borussia Dormund ee Mats Hummels ayaa isagana la sheegay in uu doonayo macallinkan khabiirka ahi in uu kooxdiisa keeno.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Chelsea Iyo Manchester City Oo Ku Tartamaya Heshiiska Laacibka Reer Brazil Ee Nathan

Kooxo Waaweyn Oo Isku Haysta Argen Robben-Ka Cusub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com