Manchester United oo albaabada u furtay Gareth Bale Iyo De Gea Oo La Fasaxayo

Tababaraha Manchester United ee Louis van Gaal ayay ka go’an tahay in uu xagaaga foodda inagu soo haya soo iibsado laacibka orodka badan ee Gareth Bale kaas oo niyad jab kala kulmay kubadda kooxda Real Madrid, isla markaana ay ku adkaatay in uu sidiisii hore u ciyaari karo kubadda wadanka Spain.

bale

Sida uu qoray wargeyska Daily Star ee ka soo baxa dalka UK, Manchester United ayaa u isticmaali doonta gool-hayeyeeda David de Gea in uu qayb ka noqdo heshiiska oo uu u wareego Real Madrid oo dooneysa gool-hayahan da’da yar.

Wargeysku waxa uu sheegay in Bale uu mu joogo Real Madrid lacag dhan £85m oo ay sannadkii 2013 kaga soo iibsatay Tottenham kadibna ka caawiyey in ay Champions League ku guuleysato sannadkii hore.

Van Gaal ayaa doonaya in kooxdiisu ay samayso isku-daygii ugu dambeeyey ee ay ku heli lahayd laacibkan, kaas oo ay dooneyso in ay u bandhigto Real Madrid lacag badan iyo gool haye De Gea oo la isku daray in ay ugu beddelaan xiddigan.

Kooxda reer Spain ayaa dooneysa in ay hesho gool-haye beddela ruug-caddaaga sii gaboobaya ee Ikar Casillas kaas oo 12 bilood kadib uu dhamaan doono heshiiskiisa kooxdaas.

Gareth-Bale-and-David-De-Gea

De Gea ayaa isaguna diiday in uu heshiis cusub u saxeexo Man United, waxaanu 18 bilood kadib xor u noqon doonaa in uu ku biiro kooxda uu doono iyadoo aanay Manchester lacag ka qaadin, si taas ay kooxdu uga hor tagtona waxay ku khasban tahay in ay iibiso inta aan la gaadhin wakhtigaas.

Man United ayaa dooneysa in ay isku darto De Gea iyo lacag dhan £85m si ayy u hesho Bale.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cristiano Ronaldo, Paul Pogba iyo Gareth Bale Oo Ka mid noqday liiska ciyaartooyo ay Manchester City Dooneyso

Mesut Ozil Oo Lagu Dhalleeceeyey Garan Ay Kala Beddesheen Kondogbia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com