Manchester United Oo Kabaha La Dul Martay Aston Villa, Mata Oo Jabiyey Dayrkii Kaga Gudbanaa Goolka Iyo Diyaayad Canaan u sidda Moyes Oo Garoonka Dul Martay

Kooxda kubadda cagta ee Man United ayaa ka soo kabsatay guuldaradii ka soo gaadhay kulankii Manchester City, waxaana kulan xiiso badan oo ay la yeesheen kooxda Aston Villa ay ku khaarajisay  4-1.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd, ayaa waxa xamaasaddeeda sii kordhiyey cadaadiska iyo mucaaradadda taageereyaashu ku hayaan tababaraha kooxda Manchester United, David Moyes, kaas oo diyaarad yar oo ay ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin in uu kooxda sii joogo.

Taageereyaasha kooxda Manchester United ayaa naxdin qalalladay kadib markii daqiiqaddii 13aad ay kooxda Aston Villa dhashatay gool, isla markaana kaadhka huruudda ah loo taagay Rafael.

In ka yar 10 daqiiqo ka dibna, United ayaa barbareysay ciyaarta markii Shinji Kagawa uu kubad halis ah ka soo jebiyey baasha bidix ee garoonka, waxaana kubaddaas gool u bedelay  Wayne Rooney oo madax ku dhaliyey.

rooKa hor qaybtii intii aanay dhamaanin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa rikoodhe heshay kooxda Manchester United, waxaana shabaqa ku hubsaday Wayne Rooney oo saxeexay goolkiisii labaad.

Markii la isugu soo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa gool saddexaad u saxeexay Manchester United xiddiga lacagta badan ay ku iibsatay United ee Juan Mata, kaas oo abaar dhinaca goolasha ahi haleeshay tan iyo sidii uu u yimi gegida Old Trafford.

Daqiiqaddii 90aad ayaa waxa fursaddiisa helay Javier Hernandez oo gool afraad u dhaliyey kooxdiisa Manchester United, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Manchester United.

Guushan ay heshay Manchester United ayaa ka dhigan in ay wali ku sugan tahay kaalinta toddobaad ee horyaalka, waxaana saaran cadaadis badan, kaas oo muujinaya in taageereyaashu aanay ku qanacsanayn awoodda khibradeed ee tababare Moyes.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Moyes Oo Ka Qayliyey Boodhka Lidiga Ku Ah Ee Diyaaradu La Dulmari Doonto Old Trafford Ciyaarta Maanta

Mourinho: Chelsea Rajo Uguma Hadhin Ku Guulaysiga Horyaalka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com