3:05 am - Sunday June 25, 2017

Manchester United Oo Qabatay Bayern Munich Oo Ciyaaryahan Hawl Bawle Ahi Casaan Ka Qaatay

Aidarous

Kooxda Manchester United ayaa is hortaagtay oo diiday inay guul kala tagaan Garoonka Old Trafford, kooxda Awooda badan ee Bayern Munich is aragii koowaad ee Horyaalka Champions League oo ay caawa isku haleeleen Garoonka kooxda United ee Old Trafford.

Nemanja Vidic gool uu shabaqa dhigay daqiiqadii 58 aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta, ayaa rajo fiican galliyey kooxda cabsida badan qabtay ee Manchester United, laakiin daqiiqadii 68 aad uu ka dhaliyey Bastian Schweinsteiger ayaa faa’iido u horseeday kooxda Germalka ah ee uu hor kacayay tababare Pep Guardiola.

Bastian Schweinsteige ayaa calaamada casaanka ah lagaga saaray garoonka kadib markii uu digniintii labaad ku qaatay Weyne Rooney oo uu xanaaqadeeyey, xaaladaas ayaa iyaduna noqonaysa mid rajo gallinaysa kooxda United maadaama oo uu maqnaanayo is araga labaad ee labada kooxood oo todobaadka dambe ka dhici doona  garoonka magaalada Munich ee Aliez Arena.

Kooxda Manchester United ayaa ka awood badnayd sidii la filayay ciyaartii caawa , waxaana ay u badnayd dhinaca difaaca , weeraro hallis ahna waxay u qaadaysida qaabka tuuryada dheer ‘counter Attack”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Kulamada Champions League Ee Caawa : Qisooyinka Ku Qarsoon, iyo Xallada Laga Filayo

Neymar Oo La Baxsaday Barcelona Iyo Wacdarihii Atletico ee Caawa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: