Manchester United Oo Sannadkii 2aad Hoggaaminaysa Kooxaha Ugu Dhaqaalaha Badan Dunida

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah kaalinta koowaad ka gashay naadiyada ugu qanisan dunida, sida ay shaacisay Majaladda dhaqaalaha ee Deloitte.

Manchester United oo sannadkii hore kala baxday kaalinta koowaad Real Madrid oo 11 sannadood lambarka koowaad ahayd, ayaa waxay samaysay sare u kac ay sabab u noqdeen guulihii ay ka midka ahaayeen koobka Europa League, kaas oo ka caawiyey inay far-ciddidood kaga baxsato Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

20-ka kooxood ee dunida ugu qanisan, waxa ugu badan naadiyada waddanka Ingiriiska oo 10 ka mid ah ay ka dhisan yihiin, halka kuwa kalena ay u qaybsan yihiin Spain, Germany, France iyo Italy.

Waxyaabaha ku cusub sannadkan kooxaha ugu dhaqaalaha badan dunida, waxa ka mid ah in AC Milan ay markii ugu horreysay ka maqnaatay liiska 20-ka kooxood, waxaase jirta in Roma ay markii saddexaad oo xidhiidhka ah ka qaadday liiskan.

Waxa Majaladdu ay saadaalisay in sannadaha dambe ay liiskan kusoo biiri karayaan naadiyo ka dhisan waddamada Maraykanka iyo Shiinaha.

 

Liiska oo dhamaystiran:

Kaalinta 

sannadkan /

sannadkii hore


Magaca kooxda Isbarbar dhigga dakhliga 2016-17 iyo (2015-16) oo Lacagta Yurub ah
1 (1) Manchester United 676.3 (689)
2 (3) Real Madrid 674.6 (620.1)
3 (2) Barcelona 648.3 (620.2)
4 (4) Bayern Munich 587.8 (592)
5 (5) Manchester City 527.7 (524.9)
6 (7) Arsenal 487.6 (468.5)
7 (6) Paris Saint-Germain 486.2 (520.9)
8 (8) Chelsea 428 (447.4)
9 (9) Liverpool 424.2 (403.8)
10 (10) Juventus 405.7 (338.9)
11 (12) Tottenham Hotspur 355.6 (279.7)
12 (11) Borussia Dortmund 332.6 (283.9)
13 (13) Atletico Madrid 272.5 (228.6)
14 (20) Leicester City 271.1 (172.1)
15 (19) Inter Milan 262.1 (179.2)
16 (14) Schalke 230.2 (224.5)
17 (18) West Ham 213.3 (192.3)
18 (n/a) Southampton 212.1 (166.2)
19 (n/a) Napoli 200.7 (144.2)
20 (n/a) Everton 199.2 (162.5)