Manchester United Oo Taariikhda Markii Koowaad Magacaabeysa Agaasime Ciyaareed

Kooxda kubada Manchester United ayaa la soo warinayaa in ay qorsheyneyso in ay magacaawdon agaasime ciyaareed, markii koowaad taariikhda 140-ka sano ee kooxdaasi tirsato,kadib fashilkii suuqan xagaaga.

Tababaraha Red Devills ayaa sida uu sheegay niyad jab ka qaaday sida kooxdiisa ay ugu dhibtootay in ay suuqa xagaaga ka sameyso saxiixyo waaweyn oo mudo fara badann ay dooneysay.

Image result for man united team photo 2018/19

The Guardian ayaa fahansan in mid  kamida shaqaalaha qolka labiska Red Devills loo magacaabi doono agaasimaha ciyaaraha kooxdaasi,waloow go’aanka xidig lago soo iibinayo uu qeyb ku leeyahay gudoomiyaha Manchester United Ed Woodward.

Jose Mourinho ayaa aad u xiiseynayay in uu la saxiixdo xidig ka ciyaara difaaca dhexe,wuxuuna xiriir la sameeyay Harry Maguire,Jeroke Boateng,Yerry Mina iyo Toby Alderwereld,waloow dhamaantood uu ku fashilmay in uu midkood la saxiixdo.

Ugu danbeyn isagoo hadlayay Mourinho kadib kulankii Liecester City ayaa wuxuu sheegay in suuqa xagaaga kooxdiisa aysan uga dhex muuqan sida loo baahnaa isla markaana uusan ku farxin arintaasi.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.