Manchester United vs Newcastle: Ciyaartooyo Candhuuf Isku Tufay

Evans oo candhuufeeyey Cisse - CopyKulankii Arbacadii xalay dhex maray Manchester United iyo Newcastle waxa hadheeyey candhuuf ay indhaha isaga buuxiyeen labada ciyaartoy ee Jonny Evans iyo Papiss Cisse, kuwaas oo qaytii hore isku muruxsaday, dagaal candhuufaysanina dhex maray.

Ciyaartan oo ku dhamaatay 1-0 ay ku badisay Manchester United oo daqiiqaddii 89aad uu goolka guusha u dhaliyey Ashley Young oo ka faa’iidaystay kubadd uu ka helay goolka hortiisa taas oo uu soo farsameeyey Wayne Rooney, ayaa waxa ay wiilasha Louis Van Gaal kaga badiyeen Newcastle, hase yeeshee waxa guushaas hadal haynteeda ka weynaatay dhacdadii kale ee candhuuf isku-weerarka Evans iyo Cisse.

Muuqaallo laga baahiyey Telefishinnada ayaa waxa ay muujiyeen Evans oo candhuuf ku tufaya Cisse oo dhulka fadhiya kaas oo inta uu isna kacay si toos ah ugu tufay.

Labada tababare ee Manchester United iyo Newcastle United ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay ku tilmaameen in aanay ahayn wax ciyaaraha caadi ku ah.

Van Gaal ayaa isagu tibaaxay in aanu arkaynin candhuufta hase yeeshee aanu laacibkiisa Evans ka filaynin in uu falkaas ku kaco.

John Carver, tababaraha Newcastle ayaa isna tibaaxay in waxa dhacay ay yihiin dhaqamada ugu xun ee kubadda cagta lagu arko, isla markaana aanu wax faallo ah ka bixinaynin.

Garsooraha ciyaarta ayaan wax kaadh ah ku abaalmarinin labada ciyaartoy midkoodna, hase yeeshee waxa uu khaladka u dhigay oo laagtay Newcastle.

Inkasta oo garsooraha ciyaartu aanu wax tallaabo ah ka qaadin labadan ciyaartoy, haddana waa ay adag tahay in ay ka baxsadaan ciqaabta xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska FA, kaas oo la filayo in uu ganaaxyo culus saaro Evans iyo Cisse labadoodaba.

Sannadkii hore, weeraryahanka Hull City ee George Boyd ayaa lagu ganaaxay in uu garoomada ka maqnaado saddex kulan markaas oo lagu helay in uu candhuuf ku tufay goolhayaha Manchester City, Joe Hart.

Laacibkii hore ee Manchester United, Paul Scholes oo ciyaartii Arbacada ee Evans iyo Cisse isku candhuufeeyeen falanqeeye ka ahaa Telefishin, ayaa waxa uu eedeeyey Cisse isaga oo eeddana ka leexiyey Evans.

McManaman oo isaguna ag-fadhiyey Scholes ayaa waxa uu isna sheegay in uu ka fiirsanayo in Evans uu candhuufta ku tufay Cisse iyo in uu dhulka ku tufay oo aanay aad ugu caddayn, laakiin Papiss Cisse inta uu kacay uu si toos ah ugu tufay Jonny Evans, taas oo ka haleeshay qoorta oo ay qoysay illaa 6 Inch oo qoorta Evans ah.

Daawo sawirradda:

Evans oo candhuuf ku tufaya Cisse

Evans oo candhuuf ku tufaya Cisse

Cisse oo markiisa candhuufaynaya Evans

Cisse oo markiisa candhuufaynaya Evans

Evans Cisse

 

Evans vs Cisse1

Evans Cisse..

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ilmadii Sergio Busquets Oo Ruxday Quluubta Barcelona iyo Muuqaallada Naxadinta Leh Ee Dhaawaciisa

Ciyaartoy ka tirsan QPR Oo Dhinac La Goostay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com