7:05 am - Sunday August 20, 2017

Manchester United Oo Guul Ku Heshay Goolalasha Ibrahimovic Iyo Pogba

Abdiwahab Ahmed
Manchester_United

Manchester United ayaa soo af-meertay afar kulan oo aanay guul urrurinin horyaalka Premier League, kabahana la dul maray kooxda Swansea City, oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Liberty Stadium.

United ayaa ciyaarta maamulkeeda siday doonto ka yeeshay qaybtii hore ee ciyaarta, saddex gool oo daran doori ahna gosha u galisay kooxda gurigeeda lagu ciyaarayay, kuwaas oo ay ka kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic oo laba gool ah- kuwaas oo noqonaya goolkiisii koobaad ee horyaalka tan iyo bishii September.

Mike van der Hoorn ayaa gool u soo dhiciyey Swansea badhtamaha qaybtii dambe ee ciyaarta, laakiin kooxda United ayaan hal kubbad oo khatar ah abuurin, naadigan oo tabobareheeda manager Jose Mourinho uu kulanka ka daawanayay garoonka dushiisa kadib markii lagu ciqaabay inuu soo dhaafay xayn daabka maamulaha.

United waxay ku soo ruqaansatay kaalinta lixaad ee liiska kala saraynta, halka kooxda Swansea guuldaradani uga noqonayso, kulankii 10 aad ee aanay Premier League guul dhadhaminin, sidaas la ajligeedna kaalinta ugu hoosaysa ay ku negaatay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
liverpool_oo_karbaashtay_watford

Liverpool Oo Markii Ugu Horeysay Cahdiga Klopp Hogaanka Premier League Qabatay

phillips_reuters

West Brom Oo Jihada Ka Lumisay Leicester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: