2:53 pm - Saturday July 29, 2017

Maradona Iyo Veron Oo Gacanta Isula Tegi Gaadhay + Cafu Oo Kala Qabtay

Abdiwahab Ahmed

veron-maradona

Cay iyo hanjabaad ayey is weydaarsadeen xiddigihii xulka qaranka Argentine ee Diego Maradona iyo Juan Sebastian Veron oo isaga hor yimid ciyaar loogu magac daray kulanka nabadda oo ka dhacday magaalada Rome, taas oo lagu sharfayey Kaafirka madaxda u ah diinta Kiristaanka ee Pope Francis.

Labadan ciyaartoy ayaa ku loollamay kubadda oo u dhaxaysay, taas oo sababtay in Diego Maradona  uu aad u cadhoodo, isla markaana inta uu degdeg usoo kaco uu hanjabaad iyo aflagaado isugu daro Veron.

 

Kubadda khilaafku ka bilaabmay

Kubadda khilaafku ka bilaabmay

Arrintan oo dhacday inyar ka hor intii aan loo bixin wakhtiga nasashada, ayaa waxa xaal sii murgay markii garoonka laga baxay ee nasashada la tegay, markaas oo Maradona uu ku soo kacay Veron isagoo cadhadii ka muuqato, hase yeeshee, Cafu ayaa ku kala guntaday.

Maradona oo ay da’diisu tahay 55 jir, ayaa ku yidhi Veron hadallo ay ka mid ahaayeen: “Waxaad tahay bilaa edab, mana doonayo in wejigaaga aan arko. Bilaa akhlaaq.”

Veron ayaa qayb ka ahaa xulka Argentine markii uu tababaraha ka ahaa Maradona sannadihii 2008-10, laakiin Maradona ayaa dhalleecayn ba’an u mariyey warbaahinta, kuna tilmaamay khaayin ka hoos shaqeeyey oo ciyaartoyga ka hor keenay.

Ciyaartan waxa kale oo murano dhex mareen ciyaartooyo kale oo waaweyn sida Ronaldinho, Edgar Davids iyo Francesco Totti.

Totti ayaa dhaliyey gool isagoo caawimo ka helaya Maradona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool: Ciyaartooyo La Deldelay Iyo Xaaladdooda Caafimaad

Fannaanka Cawaale Yara Oo Ka Sheekeeyey Qiso Xanuun Badan – Video

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: