Maradona Oo Sheegay In Xulka Germalku Noqon Doono Wadankii 1 aad ee Yurub Ah Ee Qaarada Amerika Koobka Ku Qaada Sanadkan

Diego Maradona ayaa amaan huwiyey xulka Germalka  iyo gaar ahaan ciyaaryahanka Mario Gotze oo uu ku tilmaamay laacib ay ku jirto hibo kubada cagta ah cajiib ahi.

Xulka Tababare Joachim Low  oo ku jira guruub aad u adag oo ah ‘Group G’ ayaa waxaa kula jira  xulalka  Portaqiiska , Ghana iyo Maraykanka , waxaanay ciyaartooda ugu horeysa fooda isku dari doonaan magaalada Salvador  xulka Portugal oo uu hor kacayo xidiga aduunka Cristiano Ronaldo bisha June 16 keeda,

Ma dhicin xul qaarada Yurub ka socda oo taariikhda koobka aduunka , ku qaaday qaarada America , laakiin Maradona wuxuu rumaysan yahay in qaranka Tababare Low ay yihiin kuwo hubaysan , oo uu ku dhex jiro mucjisada Gotze.

“Germany waa xulka ugu fiican ee Is diyaarintii ugu fiicnaydna ka muuqato.” Ayuu ku qoray bogga uu fikradiisa ku baahiyo ee uu ku leeyahay wargeyska Times of India.

“In kasta oo ay adag tahay siduu xul Yurub ahi koobka aduunka ugu qaado Latin America , hadana Germany waxay haystaan ciyaaryahano mucjiso ah oo awood sare ku jirto.”

“Waligay iloobi maayo , sidii ay ugu guulaysteen koobkoodii ugu dambeeyey ee 1990 kii. Sideese aan u ilaabi karaa , dambaabidhadii ay nagu dhufteen anaga 2010 kii. Joachim Low wuxuu wataa xul aad u heer sareeya. Oo leh khibrad qayrul caadi ah  isla markaana ah dhalinyaro.”

“Waxay ka dhex bixi karaan cid kasta , bal daawo oo u Fiirso , Mario Gotze , Wiilka xirfada aan caadiga ahayn ku duugan tahay.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa La Joogaa Wakhtigii Uu Blatter Kursiga FIFA Banayn Lahaa – Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Holland

Xulka Argentina Oo Lagu Ciqaabi Doono Qoraal Siyaasad Ah Oo Ay Garoonka La Soo Galleen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com