Tababarihii xulka kubadda cagta ee Maraykanka, horena u ahaan jiray weeraryahan u safan jiray xulka jarmalka, Jurgen Klinsmann, ayaa laga eryay shaqadii tababarenimo ee uu ku laylinayey xulka Maraykanka.

Klinsmann oo 52 jir ah ayaa ka mid ahaa cayaartoydii Jarmalka u qaadday koobka adduunka 1990, wuxuuna tababarka xulka Maraykanka qabtay 2011.

“Waxaan ku qanacsannahay in aan leennahay cayaartoy tayo leh oo gacan ka gaysta in Maraykanku u soo baxo cayaaraha lagu qaban doono Ruushka sannadka 2018” sidaa waxaa yidhi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Maraykanka Sunil Gulati.

Wuxuu intaa ku daray inay u baahdeen inay qaataan jiho ka duwan tii uu kooxda ku waday Klinsmann.