Marcelo Oo Rajeynaya In Neymar Uu Ku Biiro Real Madrid

Xidiga difaaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa qeexay aragtidiisa ku aadan in ciyaariyahan Neymar uu mar uun ka mid noqon doono Los Blancos.

Neymar ayaa xagaagii la soo dhaafay ku biiray kooxda PSG ee ka dhisan caasimada France waxaana uu xiligaasi noqday xidiga aduunka ugu qaalisan markii 222 Milion looga soo qaatay Barcelona, laakiin wiilka Brazil ayaa la sheegay in uusan ku qanacsaneen nolosha caasimada France isla markaana uu ka shaleynayo ka tagistii kooxda Barcelona.

Brazil's team player Neymar (R) jokes with Marcelo (L) during a training session at the Morumbi stadium in Sao Paulo, Brazil on March 25, 2017 ahead of a 2018 FIFA World Cup qualifier match against Paraguay on March 28 in Sao Paulo, Brazil. / AFP PHOTO / NELSON ALMEIDA        (Photo credit should read NELSON ALMEIDA/AFP/Getty Images)

Waxaa jira warar hoose waxaa jira warar hoose oo sheegaya in laacibkii hore ee Barcelona uu ku soo laaban doono horyaalka Laliga isla markaana uu ku biiro kooxda Barcelona ay aadka u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa maalmo uun kadib wada ciyaari doona kooxaha PSG iyo Real Madrid laakiin ka hor kulankaasi ciyaariyahan Marcelo ayaa aaminsan in Neymar uu mar ka mid noqon doono kooxda ku ciyaarta Bernabue isagoo sheegay in xidigaasi uu aad ugu wacnaan lahaa caasimada  Madrid.

“waxaan u maleynayaa in Neymar uu maalin uun u ciyaari doono Real Madridwaa xidig ku wanaagsanan lahaa ka ciyaarista Bernabue hadii uu yimaado Real Madrid” Marcelo ayaa sidaasi u sheegay Esporte Interativo.

1518435169_cd196

“Kulanka aan la leenahay PSG waa mid aad u xiisa badan qof waliba waxa uu kaga warsugaya sida kama danbeysta Champions League PSG waxay heysataa ciyaartooy wanaagsan iyo macalin wanaagsan laakiin kulanka ayaa kulanka ayaa go’aamin doona kooxda wanaagsan”

Kooxda difaacaneysa Champions League ee Real Madrid ayaa ayaa Bernabue ku soo dhaweyn doonta kooxda PSG lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ka hor inta 8-da Maarso aysan u safrin garoonka beerta amiirada ee Parc De Princes oo kooxda PSG ay ku ciyaarto.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.