Mariano Oo Doonaya In Uu Boos Ka Helo Real Madrid

Weeraryahanka da’da yar ee Mariano Diaz oo kalsooni badan gashaday tababaraha iyo taageereyaasha laba fursadood oo la siiyey, ayaa waxa uu doonayaa in uu u dagaallamo boos uu ka helo kooxda xiddigaha badan joogaan ee Real Madrid.

Laacibkan oo ka tirsan kooxda heerka labaad, laakiin saddexley dhaliyey fursaddiisii ugu horreysay ee kooxda koowaad oo ahayd kulan Copa del Rey oo kooxdiisu derdertay Cultural Leonesa, ayaa waxa uu kalsooni badan ka muujiyey rabitaankiisa ah inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo socon doona illaa sannadka 2020.

Weeraryahankan oo asalkiisu yahay Dominican ayaa waxa uu loollan la geli doonaa labada ciyaaryahan ee Alvaro Morata iyo Karim Benzema oo ay adag tahay inuu booska ka riixdo. Laakiin tayadiisa ciyaareed, awoddiisa jidhka, madaxiisa hibada u leh inuu kubadda dhaliyo, ayaa waxa uu ka caawiyey inuu 27 gool u dhaliyo kooxda da’yarta ee Real Madrid Castilla xili ciyaareedkii hore, taasina waxay keentay in tababare Zidane uu ciyaarsiiyo laba kulan oo kooxdu u baahatay.

Kooxaha Espanyol, Valencia, Sporting Gijon, Sevilla iyo Leganes ayaa dhamaantood soo bandhigay inay xiisaynayaan laacibkan oo ku dhashay magaalada Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Shabakadda CADALOOL Oo Bilowday Baahinta Tooska Ah Ee NBA (Kubadda Kolayga Maraykanka)

Klopp Oo Ballan-Qaaday In Kooxdiisu Ku Dagaallami Doonto Horyaalka Sannadkan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com