Tanni waa arrin ugub ku ah ilaa inta la ogyahay in laba ciyaartoy oo kubadda cagta ahi ay ilaa heerkan isla soo gaadhaan …“Horyaalka Naceybka” ayuu Mario Balotelli ku qorray Twitter-kiisa isaga oo ula jeeda difaacii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Ingiriiska Jaime Carragher oo hadda noqday falanqeeye ciyaareed ayaa ah nin markasta aad u dhaliila laacibkan reer Talyaani ee Super Mario oo markan ka aarsaday.

Super Mario ayaa soo qoray: “Carragher waa laacib xun iyo nacebka ugu fiican”. Warkan ayaa salka ku haya kadib markii uu Carragher fikirkiisa ka dhiibtay Balotelli oo kooxda Nice ku biiray, taas oo uu ku tilmaamay “Wareegitaan bilaash ah laakiin haddana ay Nice wax baddani uga baxayaan”.