Mario Balotelli Oo La Kulmay Cunsuriyad & Caydii Ugu Badnayd Iyo Rodgers Oo Difaacay

Tababaraha Liverpool, Brendan Rodgers ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in weeraryahanka Mario Balotelli uu noqday ciyaartoyga loogu cay badan yahay, isla markaana aflagaado cunsuriyeysan loogu geysto baraha bulshada.

BalotelliGuddida la-dagaallanka Midab-takoorka ee KICK IT OUT ayaa waxay khamiistii soo bandhigeen warbixin shaacisay in Mario Balotelli si ba’an loogu geystay aflagaadooyin cunsuri ah, kuwaas oo tiradoodu gaadhayso 4,000 jeer oo aflagaadooyin ah oo farriimo loogu diray baraha bulshada ah.

Daniel Sturridge iyo Danny Welbeck ayaa iyaguna helay in ka badan 1,000 farriimood oo aflagaado ah.

Warbixintan oo ay ururisay Tempero, oo ah wakaalad ururisa macluumaadka baraha bulshada, isla markaana soo bandhigtay ayaa waxa kale oo ay shaacisay aflagaadooyin loo geystay Chelsea oo lagu tilmaamay kooxda loogu neceb yahay England.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Mourinho: Chelsea Waa La Nacay, Waayo Waa Lagu Caajisay

Beckenbauer : ‘Bayern Waxay U Ciyaartay Sidii Ay Kiniinka Hurdada Liqday’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com