Mario Balotelli Oo Maanta safan doonna kulankiisi 50-aad

Wareega 34-aad ee horyaalka Serie A’ waxaa garoonka San Siro lagu daawan doonaa kulan dhax mari doona kooxaha Milan iyo Livorno, iyadoo kulankii hore ee labada kooxood uu ku dhamaaday barbaro dhac  2-2.

Milan hadda waxay horyaalka kaga  jirtaa booska 8-aad iyadoo leh 48-dhibcood, halka kooxda Livorno leedahay 25-dhibcood.

Waxaa xusid mudan in Mario Balotelli u saftay kooxda AC Milan 49-kulan, ciyaarta maanta waxay u noqon doonaa tii 50-aad, waxa uuna intaas ku dhaliyay 29-gool.