8:56 am - Monday May 29, 2017

“Mario Balotelli Waa Bastoolad Amaan-lay Ah” – Rod Fanni

Samatar Mohamed

Difaaca kooxda Marseille ee Rod Fanni ayaa laacibka Nice ee Mario Balotelli ku misaalay waxa loo yaqaanno “Russian Roulette”, jeer uu laacibka reer Talyaani toddobaad dhammaadkan safan karo kulan bilowgiisa Legue 1, marka ay Les Aiglons soo dhaweeyaan OM oo kula ballansan Allianz Riviera.

“Balotelli waa Russian Roulette, waa fiican yahay marka uu madaxiisu saaxi yahay, waase eber marka uu xanaaqo” ayuu Fanni ka sheegay shir jaraa’id isagoo sheegay inaanay yaraysan doonin Balotelli iyagoo maanka ku haya uun fashilkii qabsaday sanadihii ugu dambeeyay.

“Waxaan qabaa inay tahay inuu is muujiyo, kolley qaabkiisu hoos buu u dhici doonaa maadaama uu yimid Nice. Marka maadaama uu is muujinayo annaguna yaraysan mayno” ayuu raaciyey hadalkiisi.

Yeelkeede, isla shirkan jaraa’id, macallinka Nice ee Lucien Favre ayaa qishay in Super Mario aanu weli diyaar ahayn, taas oo shakiba gelin karta inuu safanayo kulankan gebi ahaanba.

Russian Roulette: Waxaa la yidhaahdaa Baastoolad amaan-lay ah oo ay hal xabbo ku jirto ama ay hal xabbo ka maqan tahay, oo maashka la iska saaro qaab naf ku khamaaris ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Kooxda Man City Iyo Pep Gurdiola Oo Guul-darro Xanuun Baddan Baday Man United & Jose Mourinho Oo Old Trafford Ku Sugan + Sawirro

RASMI: Fabinho Oo Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugay Kooxdiisa AS Monaco

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com