Xidhiidhka kubadda cagta ee UEFA ayaa shaaciyey in garsooraha Ingirisika ah ee Mark Clattenburg uu dhexdhexaadin doono ciyaarta Champions League ay toddobaadkan foodda isku dari doonaan Real Madrid iyo Borussia Dortmund

Clattenburg oo ka mid ah garsooreyaasha ugu fiican ee u diiwaangashan FIFA tan iyo sannadkii 2006, ayaa hore u soo dhexdhexaadiyey ciyaaro muhiim ah sida Finalkii Olympic ee 2012, Finalkii Champions League iyo Europa League ee xagaagii hore 2016. Waxa u raacay finalkii Atletico Madrid iyo Real Madrid ee 2014.