8:35 am - Saturday August 19, 2017

Markii Ugu Horeysay Oo Ruux Dumar Ah Tababare Looga Dhigay Naadi Horyaalada Waaweyn Ee Yurub Ka Tirsan

Aidarous

Helena Costa oo ah haweenay u dhalatay wadanka Portaqiiska ayaa loo magacaabay tababaraha cusub, Kooxda horyaalka heerka labaad ee wadanka Faransiiska ‘Ligue 2′ ee Clermont maanta.

Tababare Helena ayaa kooxda Clermont hogaamin doonta xili ciyaareedka 2014-2015 ka. waxaanay noqonaysaa haweenaydii ugu horeysay ee taariikhda horyaalada Yurub tababare u noqota naadiyada qaaradaasi ee Heerka labaad iyo Heerka koowaadba.

Haweenaydan 36 jirka ah ayaa shaqada tababarenimo ee kooxda Faransiiska ah , ka bedeli doonta tababarihii hore Regis Brouard oo kooxda ka tagay xili ciyaareedkan.

“Naadiga Clermont waxay doorteen tababaraha cusub ee kooxda laylin doona doona xili ciyaareedka dambe, waxaanay u doorteen Helena Costa,” ayaa lagu yidhi, war lagu baahiyey website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Costa oo hore uga tababare ugu soo noqotay xulalka qaranka dumarka ee wadamada Qatar iyo Iran, ayaa kooxda si rasmi ah ula wareegaysa.’

Helena oo garabka haysata gabadh ciyaaryahanad xulka Iran ah

Helena oo garabka haysata gabadh ciyaaryahanad xulka Iran ah

 

Helena ayaa shaqadeedii ugu dambeysay ee ay qabatay ahayd , markii loo doortay tababaraha xulka qaranka Xaawalayda ee wadanka Iran sanadii 2012 kii , xulkaas oo ay ay mudo laba sanno ah la joogtay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulka Qaranka Brazil Ee K.Aduunka Oo La Magacaabay – Kaka, Robinho Iyo Coutinho oo Laga Ka Maqan

Rajadii Madrid ee Horyaalka Oo Ay Burburisay Valladolid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: