7:28 pm - Friday August 18, 2017

Marquez Oo Rikoodh Cusub Dhigay Ciyaartii Jimcihii Ee Camaroon

Aidarous

Laacibka xulka qaranka Mexico ee Rafael Marquez ayaa rikoodh cusub dhigay Jimcihii , isagoo noqday laacibkii ugu horeeyey ee xulkiisa Kabtan u noqda markii Afraad ciyaaraha koobka aduunka.

Ciyaaryahankan 35 jirka ah , ayaa hogaaminayay xulkiisu Mexico kulankoodii furitaanka Group ka A ee qarankiisu kula ciyaaray xulka Camaroon magaalada Natal ee wadanka Brazil , taas oo noqonaysay rikoodh cusub kadib markii uu hore uga soo qayb gallay isagoo kabtan ah , koob aduunadii 2002, 2006 iyo 2010.

Rafael Marquez oo xidhan astaanta kabtanimo koob aduunkiisii afraad ciyaartii Camaroon

Rafael Marquez oo xidhan astaanta kabtanimo koob aduunkiisii afraad ciyaartii Camaroon

Rafeal Marquez oo kaadhka casaanka loo taagayo ciyaartii 2 0 xulkiisa laga badiyey ee ay kaga badiyeen USA 2002

Rafeal Marquez oo kaadhka casaanka loo taagayo ciyaartii 2 0 xulkiisa laga badiyey ee ay kaga badiyeen USA 2002

Rafeal Marquez oo kubada kula dagaalamaya weeraryahankii hore ee xulka France Anelka k aduunkii 2010

Rafeal Marquez oo kubada kula dagaalamaya weeraryahankii hore ee xulka France Anelka k aduunkii 2010

Rafeal Marquez oo u dabaal dagaya gool uu ka dhaliyey Argentina koob aduunkii 2006

Rafeal Marquez oo u dabaal dagaya gool uu ka dhaliyey Argentina koob aduunkii 2006

Xidigii hore ee difaaca naadiyada Barcelona iyo Monaco, Marquez , imikana ka tirsan naadiga wadankiisa ka dhisan ee Leon, wuxuu kulankii ugu horeeyey qarankiisa u saftay sanadkii 1997 kii, , kulankii Jimcihii ee Camaroona wuxuu ka dhigayay tirade ciyaaraha uu u saftay qarankiisa , 121 ciyaarood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Saxaafada Holland Oo Sawiro Cajiib Ah Ka Sameeyey Guushii Spain

Goolhaye Buffon Oo Ciyaarta Caawa Ee England Ka Maqnaanaya Italy

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: