10:12 am - Wednesday June 28, 2017

Mascherano: Culaysku Messi oo kaliya Ma Saarna

Aidarous

Laacibka difaaca kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina, Javier Mascherano ayaa carabka ku adkeeyeyb inaan Lionel Messi kali ku ahayn culayska in qarankooda qaado koobka aduunka ee sanadkan.

Messi oo 26 jir ah , ayaa sanadkan la kulmay cadaadis kale oo ka soo wajahay dhinaca naadigiisa , kadib dhaawacyo ragaadiyey qaab ciyaareedkiisii,  kooxdiisana u awoodi waayay inay ku dagaalanto horyaalka sanadkan oo laga hor qaaday , Copa del Rey oo ay weyday iyo Champions League oo ay ku hadhay rubuc dhamaadka.

Culaysku wuu na wada saaran yahay dhamaantayo

Culaysku wuu na wada saaran yahay dhamaantayo

Laacibka 4 jeer noqday xidiga aduunka ee Messi ayaa hogaamin doono kabtana u ah xulkiisa qaranka ee ka qayb gallaya koobka aduunka sanadkan ka dhacaya wadanka Brazil , kaas oo ay safka hore kaga jiraan xulalka loo saadaalinayo inay qaadaan, laakiin Mascherano ayaa ku celceliyey in culaysku uu wada saaran yahay ciyaaryahanada kooxda oo dhan balse aanu kali ku ahayn Leo.

“Hawsha ugu horeysa ee na hortaalaa waxa weeye inaan yarayno khaladaadka kooxda , kuna bilowno tartanka koobka aduunka sida ugu fiican ee muhiimka ah,” ayuu ku yidhi warfidiyaha – Ole.

“Culayska iyo cadaadiska Brazil dhamaantayo wuu na wada saaran yahay – ma saarna kaliya Messi.”

Argentina ayaa wajahaysa  Bosnia-Herzegovina, Iran iyo Nigeria oo ay ka wada tirsan yihiin Group F, Ciyaarta koowaadna ka hortagi doona xulka uu wato tababare Safet Susic ee Bosnia-Herzegovina bisha June 15-keeda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Dhaawacyo Sababay Dib U Dhaca Ku Dhawaaqista Xulka Qaranka Spain ee K-Aduunka

Fabregas Oo London Gaaf-wareegaya Iyo United Oo Meel Kuuma Hayno Ku Tidhi

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: