Mascherano: Wakhtigii Barcelona Wuu Dhamaaday

Javier Mascherano oo ahaa halbowleyaashii Barca ay ku tiirsanayd xili-ciyaareedkan ayaa sheegay in wakhtigii kooxdiisu uu dhamaaday, isla markaana aanay ahaan doonin Barcelona-dii la yaqaanay wixii hadda ka dambeeya.

Kooxda Catalan-ka ayaan sannadkan ku guulaysan wax koob ah, iyadoo Champions League ay ka reebtay Atletico Madrid, isla markaana kulankii ugu dambeeyey ee La Liga oo ay haysatay fursad ay ku hanan karaysay horyaalka, laakiin waxay barbar dhac 1-1 ah wada galeen Atletico, sidaana waxay ku weyday fursaddii kali ahayd ee u hadhsanayd, iyadoo wiilasha Diego Simeone loo caleemo saaray horyaalka La Liga ee sannadkan.

Mescherano ayaa aaminsan in awooddii kooxdiisu ku lahayd kubadda cagta ee wadanka Spain ay dhamaatay, waxaanu sheegay in hadda loo baahan yahay in laga fikiro mustaqbalka iyo sidii loo dhisi lahaa kooxda maadaama ay kala daadatay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zidane Oo Ku Margaday Su’aal Laga Weydiiyey Ronaldo Iyo Messi

Drogba Oo Ka Tagay Galatasaray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com