Massimiliano Allegri Oo Si Weyn Uga Qayliyey Rabshadaha Ciyaartii Torino & Juventus

Roma oo laba Taageere Laga Dhaawacay

Nin Waalan Uun Baa Carruur Keena Goobaha Lagu Ciyaarayo

Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa sheegay in “nin waalan oo kali ahi” u soo kaxaysan karo carruur goobaha ciyaaruhu ka dhacayaan kadib mashaqadii ka dhacday kulankii Turin Derby ee Juventus iyo Torino.Turino vs Juventus rabshado g

Torino ayaa lagu dhaawacay kadib markii walax lagu qarxiyey intii ay socotay ciyaartii Axadii horyaalka Seria A, ee sida layaabka leh ay 2-1 ka guushu ugu raacday Turino oo marti loo ahaa.
Ciyaarta ka hor, boqolaal ka tirsan taageerayaasha kooxda Torino ayaa ku shiiday, quraarado , dhagaxaan iyo waxyaabo kale, oo uu beed qudhmay kamid yahay, baskii ay saarnaayeen xidigaha naadiga Juve oo ciyaarta ku socda.

Allegri ayaa yidhi: “Wadanka Talyaaniga ciyaarihiisu aad bay u dambeeyaan. Ilaa inta cidii lahayd ama ka masuulka ahayd falalka noocan ah aan wali talaabadii ay mudnaayeen aan laga qaadin.

“Waxaanu u baahanahay inaanu xaqiijino inaanu dib shacabka ugu soo celino garoomada, iyo ugu horeyn carruurta, oo imika nin waalan oo kali ahi u soo kaxaysan karo.”

Gantaalka dhaawacan ugu yaraan 10 kamid ah taageerayaasha Turino ayaa laga soo gannay dhinaca taageerayaasha Juventus , qaybtii hore ee ciyaarta, kaas oo sababay inay kuraasta ka yaacaan oo dhaawacmaan taageerayaasha martida loo ahaa. Qarax labaad oo isna la soo tuuray ayaa sababay dhaawaca taageere kale.Turino vs Juventus rabshado gi
Warsaxaafadeed ka soo baxay naadiga Juve ayaa lagu yidhi sidan: “Juventus Waxay guud ahaan canbaaraynaysaa falalka noocan oo kale ah ee mashaqada ah , haka yimaadeen taageerayaasheeda ama kuwa ka soo horjeedaba e. Xaqiiqada wixii dhacay waxay u baahan tahay in si qoto dheer qaybaha kubada cagtu u baadhaan.”

Warfidiyaha gudaha Talyaaniga ka warama ee RAI ayaa ku soo waramaysa in laba taageere loo qabtay oo loo xidhay falkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ethiopia Oo Tababare Cusub U Magacawday Xulka Qaranka

Warbaahinta Spain Oo Horyaalka U Caleemo Saaray Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com