10:08 am - Thursday June 29, 2017

Massimo Moratti Oo Lagu Wado In Markale Uu Madaxwayne U Noqdo Inter Milan!

Samatar Mohamed

morra

Madaxweynihii hore ee kooxda Inter Milan Mr. Massimo Moratti ayaa xaqiijiyey in la weydiistay inuu dib ugu soo noqdo xilka madaxweynenimadda kooxdan reer Talyaani.

Codsigaas oo kaga yimid mulkiilayaasha saamiga ugu baddan ee Suning Group, taas oo bannaanka dhigaysa madexwaynaha imika ee Erick Thohir iyo Michael Bolingbroke.

Massimo Moratti ayaan wax saami ah ku lahayn kooxda Inter tan iyo markii ay 68% iibsatay Sunning, balse wuxuu ku soo noqon karaa 2 fursaddood oo ay midi tahay inuu noqdo madaxweyne sharafeed aan awood fulineed lahayn ama inuu 31% dib uga iibsado Thohir.

“Miyaan ku soo laabanayaa Inter?. Sidaa ayey i weydiisteen…” ayuu ku yidhi Premium Sport. “Inaan madaxweyne noqdo waa sharaf, balse ma aqaanno wixii aan dhihi lahaa” ayuu daba dhigay.

Joogista badroonigii hore ee Nerrazzurri ayaa mulkiilayaasha cusub ee Chinese-ka ah ka caawin karta inay fahmaan jawiga meesha, yeelkeede Steven Zhang oo ah wiilka mulkiilaha Zhang Jindong ayaa u soo wareegi doona Talyaaniga si uu gacanta ugu qabto hawlaha naadiga.

Javier Zanetti ayaa isna la siin doonaa awood fulineed oo dheeraad ah,  isaga oo noqon doona madaxweyne ku-xigeen leh awood ka baddan midda uu haatan ku naalloonayo.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Xavi Hernandez Oo Booqday Xeradda Qaxootiga Falastiin Ee Dalka Jordan

La Ogaaday: Sababtii Ay Diyaarada Cristiano Ronaldo Shilka Ugu Gashay Garoonka Diyaarada Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: