Masuuliyiinta Xidhiidhada Ciyaaraha Somaliland oo Beeniyay inay Wasaaradda isku haystaan Lacag Baanka Dhexe Taala

Masuuliyiinta Xidhiidhada Ciyaaraha Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay war laga baahiyay maalintii Shalay, kaas oo Wargeyska Foore ku soo baxay, kana xigteen warbaahin kale, warkaas oo u dhignaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhada Ciyaaraha oo isku haysta lacag Baanka Dhexe taala, waxaanay gabi ahaanba ku tilmaameen in warkaasu uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi, Guddoomiye Xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaarta Chess-ta Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo si wadajir ah war saxaafadeed u soo saaray ayaa beeniyay arrintaasi, waxaanay sheegeen in lacagtaasi ay tahay gunnooyin bileedyo Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland ka maqnaa oo Baanka Dhexe soo gaadhay, sifo sharci ahna ku taala kagana baxaysa.

Ugu horeyn War Saxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan “Annaga oo ah masuuliyiinta Xidhiidhada ciyaaraha Somaliland oo kala Kubadda Cagta, Kubadda Kolayga iyo Chess-ta waxaanu si wadajir ah halkan ugu beeninaynaa aadna uga biyo diidsanahay warka warbaahinta qaar ku soo baxay, gaar ahaan Wargeyska Foore kaas oo ahaa in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha oo isku haysta lacag Baanka Dhexe taala, waxaanu si cad u sheegaynaa in warkaasi aanuu sal iyo raad toona lahayn. Lacagtan la sheegayo in la isku haysto waa gunnooyin bileedyo ka maqnaa guud ahaan shaqaalaha Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland, meel ay Wasaaraddu lacagtaas ka soo galaysaana ma jirto, Baanka Dhexe waxay ku soo gaadhay sifo sharci, sidaas si leegna sifo sharci ahna waanu kaga qaadanaynaa”.

Ugu dambeyntii, war saxaafadeedkan ayaa lagu soo gaba-gabeeyay “Haddaba waxaa wax aad loola yaabo ah in warkaasi uu sheegayay in buuq iyo sawaxan xoogan uu xarunta Wasaaradda ku dhex maray masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, gaba-gabaddii waxaan kula talin lahayn maamulka iyo wariyeyaasha Wargeyska Foore ma xuma in wax la dhaliilo, balse dhaliishu waa inaanay noqon mid ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan ee qofka Muslimka ah laga rabo iyo ta Saxaafaddaba, maadaama war aan waxba ka jirin oo xataa annaga waxba naga weydiin aad daabacdaan, mar labaadna waxaanu caddeynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi oo uu yahay mid been abuur ah”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Hal-xidhaalaha Champions League: Maxaa Lagu Kala-saarayaa Kooxaha Iskaga mid noqda, Goolasha, Dhibcaha, Kulamadii ay is-arkeen iyo Goolashii ay Iska Dhaliyeen

Maxaa Kala Qabsaday Bayern Munich Iyo PSG

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com