Masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Xorriyadoodii Dib U Helay Iyo Sababta Markii Hore Loo Xidhay

Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee la xidhay

Waxaa xorriyadoodii dib loogu soo celiyay masuuliyiintii xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo tababare ka socday Soomaaliya, kuwaas oo toddobaadkii hore lagu xidhay xarunta dambi-baadhista ee CID-da ee Hargeysa. ka dib markii lagu eedeeyay inay tababar Hargeysa ku siinayeen magaalada Hargeysa orod yahano, kuwaas oo la sheegay in Qorshahoodu ahaa inay ka qeyb-galaan tartan heer gobol ah oo ka qabsoomaya Muqdisho.

Masuuliyiintan oo si rasmi ah xorriyadoodi u helay ayaa kala ah Mustafe Cabdi Xaddi, xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, Axmed Koosaar Xuseen (Juujuule) oo ah tababare dhanka orodka u qaabilsan xidhiidhka iyo sidoo kale Maxamed Daahir Cajab oo isna ah macalin ciyaaraha fudud ah oo ka socday waddanka Soomaaliya.

Waxay ahayd maalintii Sabtidii ee toddobaadkii hore markii xarunta C.I.D loo taxaabay ka dib markii looga shakiyay inay cayaartooy u dirayaan magaalada Muqdisho, laakiin markii baadhitaano ku saabsan eedaynta loo soo jeediyay oo markii horeba si aan looga fiirsan loogu deg-degay, ayaa lagu waayey arrimihii lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha olombikada qaranka Somaliland, Xasan Waraabe Cadde oo gacan weyn ka gaystay soo deynta masuuliyiintan ayaa xusay in tababare Maxamed Daahir Cajab inuu yahay macalin taariikh wanaagsan ku leh ciyaaraha orodada, tababarena ka ah Soomaaliya uuna si joogta ah u yimaaddo Somaliland ayna saaxiibo dhaw yihiin, sidoo kalena uu ku kalsoon yahay inaanu ku lug lahayn waxa lagu eedeeyay.

Ugu dambeyntii masuuliyiinta oo aanu la xidhiidhnay ayaa xusay muddadii ay ku xidhnaayeen xarunta dambi-baadhista ee C.I.D in si fiican loola dhaqmay, ayna ku faraxsan yihiin in dambigii lagu soo eedeeyay lagu waayey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Marchisio Oo Maca-salaameeyey Kubadda xili-ciyaareedkan

Goolhaye Iker Casillas Oo Ammaan Huwiyey Gigi Buffon

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com