Matthaus Oo Dhaleeceeyey Guardiola: ‘Halkani Maaha Barcelona.’

Halyeygii hore ee xulka qaranka Germany, Lothar Matthaus ayaa u xambaariyey Tababare Guardiola guuldaradii Bayren Munich ay kala kulantay Real Madrid Semi Finel kii Champions League, kuna tilmaamay In Tababare Pep uu ka doonayay Bayern inay u ciyaarto sida kooxdiisii hore ee Barcelona.

Tababaraha Spanish ka ah oo hore Barcelona u soo laylyayey mudo 4 sanno ah oo ah mudaddii u dhaxaysay 2008 – 2012, loona tiriyo inuu yahay maskaxda ka dambeysa kubada dhiib oo dhaqaaqda ah ee Barca ku ciyaarto.

Matthaus ayaa Tilmaamay in tababare Guardiola aanu ka fikirn ciyaaryahanada uu u haysto ka hor intii aanu soo wareejinta Falsafadaas Bayern Munich.

“Kama helaysid inay halkan kubada Catalanka ku soo bandhigaan,” ayuu ciyaaryahankii hore ee Bayern yidhi. waxaanu intaas ku sii daray, “Kama fili kartid Bayern inay u ciyaarto sida Barca oo kale.”

“Markabku wakhti buu u baahan yahay ka hor inta aanu dekeda ka goosan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Khedira Oo Soo Kacay, Diyaarna u ah Kulanka Valencia

Barcelona Oo La Qabtay Rajadii Horyaalkuna Cirka Kaka Laalantay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com