Maxaa Helay Liverpool? Qosol iyo Oohin Midkee?

Taageereyaasha Liverpool ma garan karayaan in ay qoslaan iyo in ay ooyaan wakhtigan. Waxa ay goob u joog u ahaayeen ciyaartoodii ugu dambaysay iyadoo uu dhaawacmay kabtankooda Steven Gerrard. Dhaawacaas ayaa keenay in tababare Brendan Rodgers uu si degdeg ah dib ugu soo ceshado Jordon Ibe oo amaah kula joogay Derby Country, kaas oo markii uu laba ciyaarood oo Derby Country ay la ciyaartay Everton iyo Tottenham uu qaab ciyaareedkiisu qanciyey Rodgers.

Ibe waxa uu qaab ciyaareedkiisu ku dhow yahay ama lagu masaalaa Raheem Sterling. Waxa ay isaga eegyihiin muuqaalka, isku-kalsoonaanta iyo awoodda ay difaaca ku burburin karaan, iyo in ay samaysan karaan fursado ay goolal ku samayn karayaan. Furfurnaanta iyo farsamada maskaxda badan leh ayaa ka dhigtay Ibe iyo Raheem in ay meelo badan ka ciyaari karaan. Iska daa isku eekaanshaha kale oo dhanoo xattaa isku maalin ayay dhasheen. Raheem waxa uu dhashay 8dii December 1994kii, halka uu Ibe uu dhashay sannad kadib. Waxa ay kala weyn yihiin 365 maalmood, taas macnaheedu waa Ibe waxa uu dhashay 8dii December 1995kii.

“Waxa kasta waa uu helay. Waxa uu ku dhow yahay Sturridge iyo Sterling oo uu midkood beddeli karayo.” Sidaa waxa yidhi Steven Gerrard oo ka hadlay laacibkan hibada leh ee u soo baxaya Liverpool.

Tababaraha Liverpool, Rodgers oo isna ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Haddii uu ciyaartoy ajaanib ah ahaan lahaa cid waliba waa ay u gacan haadlin lahayd. Waa ciyaartoy caqli badan”.

Ciyaartoygan ayaa isaguna mar uu warbaahinta la hadlay waxa uu u sheegay in uu jecel yahay in uu ka ciyaaro dhexda hore ee weerarka xigta ama No 10.

Ciyaartii uu Jamie Carragher kaga fadhiisanayay ciyaaraha ayaa uu Ibe

Saftay kulankiisii u horreeyey ee Liverpool ee garoonka Anfield. Waxa uu ka caawiyey Philippe Coutinho goolka ay Liverpool kaga badisay QPR 19kii May, 2013.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldo Oo Soo Dhoweyn Aanu Galabsanin Ka Sugaya Bernabeu

Wenger: FA Cup ayaa Halis Ku Ah Tartanka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com