Maxaa iska beddelaya shaxda xulashada Real Madrid kadib imaanshaha Danilo

Kadib markii ay Real Madrid shaacisay in ay lacag badan ku iibsatay difaacyahanka baasha midig una dhashay wadanka Brazil ee Danilo kaas oo ka yimid kooxda FC Porto oo uu ka mid ahaa rukumada ugu adag ee hagayey kooxdaas, ayaa waxa soo baxaya warar la xidhiidha sida ay isku beddeli doonto shaxda tababare Ancelotti si uu uga faa’iidaysto ciyaartoyga, iyo waliba ciyaartooyada uu booska kala bixi doono.

Danilo oo ka mid ah ciyaartooyada Brazil, waxa uu xulka dalkiisa u saftay 13 kulan, waxaana iyadoo ay da’diisu tahay 23 jir uu isku muujiyey in uu ka mid yahay xiddigaha mustaqbalka fiican leh ee dunida ku soo socda.

Sannadkii 2011 waxa uu kooxdiisii hore ee Santos ee ka dhisan wadanka Brazil uu kula guuleystay labada koob ee Campeonato Paulista iyo Copa Libertadores, kadib waxa uu ku biiray FC Porto oo uu la qaaday horyaalka dalkaas ee loo yaqaano Primeira Ligas labadii sannadood ee u dambeeyeyba.

Real MadridMadrid waxa ciyaartoygan kula tartamaysay Barcelona, hase yeeshee waa ay kaga guuleysatay, su’aashuse waxay tahay halkee ugu habboon ee ay Real Madrid ka ciyaarsiin kartaa, iyadoo uu si fiican uga ciyaari karo baasha midig ee difaaca iyo weerarka horeba.

Marka uu ka ciyaarayo difaaca, waxa lagu yaqaanaa degenaan iyo adayg, iyo in uu si fiican ula shaqayn karo dhamaan ciyaartooyada, haddii loo baahdona waxa la dhigi karaa baasha midig ee weerarka, waxa kale oo uu Santos mararka qaarkood uga ciyaari jiray khadka dhexe, taasna waa looga faa’iidaysan karaa.

Haddaba, sida ugu habboon ee uu Ancelotti u ciyaarsiin karo laacibkan ayaa ah laba shax midkood: 4-4-2 ama 4-3-3.

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

RASMI: Real Madrid oo €31.5m ku iibsatay Danilo

Ribery Oo Diiday In Bayern Munich Soo Iibsato Kevin de Bruyne

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com