3:10 am - Sunday June 25, 2017

Maxaa ka jira in Barcelona Iska IIbinayso Fabregas?

Khadar Dirir

 

Kooxda Manchester United oo ahayd koox si weyn baadi goob xoogan ugu jirtay helitaanka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Cesc Fabregas ayaa haatan lagu soo waramayaa inay heli karto iibka  xiddigan, kadib markii la sheegay in kooxda Barca ay diyaar u tahay in Fabregas ay ka iibiso kooxda United.

Kooxda Red Devils ayaa xagaagii hore samaysay  laba isku day oo ay ku dooneysay saxeexa laacibkan, balse labadaasi isku day ayaa ugu dambeyntii ku soo idlaaday fashil, kaaga darane fashilka United ay ku fashilantay wiilkan waxaa kaga darnaa markii uu xiddigii hore ee kooxda Arsenal ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay inuu baaqi ku sii ahaado kooxdiisa Barcelona.

Si kastaba, xaalada Fabregas ayaa haatan u muuqata mid isbedel ku yimid sida ay qortay Metro kooxda reer Catalan ayaa u sheegay xiddigan inuu markii dhamaado xagaagan ka dhaqaaqi karo garoonkeeda ay ku ciyaarto kooxda Barca ee Camp Nou haddii qiimo macquul ah ay ku hesho.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Barcelona Oo meesha ka saartay inuu Messi Iib Yahay 

Barca oo dirqi kaga badbaaday guul La’aantii 4-aad oo xidhiidh ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: