3:03 pm - Sunday August 23, 5682

Maxaa ka jira inuu John Terry ku biirayo Kooxda Man.City?

Khadar Dirir

Qoraaga caanka ah ee Jamie Redknapp, ayaa u sheegay kooxda Manchester City in ay isku daydo in ay la soo saxeexato kabtanka kooxda Chelsea John Terry xagaagan.

John Terry ayaa waxaa heshiiskiisa Chelsea uu dhacaya dhamaadka xagaagan walina ma jiro heshiis cusub oo uu la gaadhay kooxda galbeedka London. Waxaa jira warar sheegaya in uu kooxda u saxeexi doono heshiis cusub kaas oo la aaminsan yahay in lagu dhimi doono mushaarkiisa “Waxay ila tahay cajiib haddii Manchester City ay ku raad joogto Terry , hadii ay helaan waxaa ay noqon doontaa arrin weyn, Terry iyo Vincent Kompany oo iska garab ciyaara waxay noqon doonaan labada difaac ee ugu adag England.” Ayuu ku qoray Daily Mail “Waa arrin adag in uu Terry ka tago Stamford Bridge, waa ciyaariyahan waqtigiisa u huray hal-koox , qofna ma sadaalin karo ,laakin waa in ay City isku daydaa arintan.” ayuu qoraalkiisa ku daray Jamie Redknapp.

Terry ayaa waqtigiisa ciyaareed u huray kooxda Chelsea waxaana uu ciyaartiisii koowaad u ciyaaray kooxda koowaad 1998-dii.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Louis van Gaal, Klopp, Blanc, Diego Simeone  Oo isku soo sharraxay jagadu banneeyey David Moyes

Ciyaaryahan Daniel Sturridge Oo ka sheekeeyey wuxuu doonayo inuu mustaqbalka noqdo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: