Maxamed Salah Oo Xulkiisa Egypt U Suurto Galiyey Inay Ka Qayb Galaan Koobka Aduunka Markii U Horeysay 28 Sanadood

Rigoodhe uu shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 94 aad ee ciyaarta ayay xulka Egypt ku garaaceen oo kaga badiyeen qaranka Congo 2-1 – ciyaar ku dhex martay magaalada Alexandria uguna baxeen ciyaaraha koobka aduunka markii ugu horeysay rubuc qarni.

Geesiga xulka Masar ayaa ahaa Mohamed Salah, kaas oo wada saxeexay labada goo lee guusha isreeb reebka una suurto galiyey inay markii saddexaad ka qayb galaan koobka aduunka oo ay ugu dambeysay 1990.

Xulka Masar ayaa ku naaloonayay goolka uu Salax u dhaliyey daqiiqadii 66 aad ee qaybta dambe tan iyo intii aanu sawaxankii garoonka mar kaliya shib ka dhigin Arnold Bouka-Moutou oo Congo goolka barbar dhaca u saxeexay 88 aad.

Laakiin, rajadii xulka Masar waxay dib u soo noolaatay guushana ay hantiyeen markii daqiiqadihii dheeraad ka ahaa ee ciyaarta lagu daray oo shan daqiiqo ahaa, afar marayeen uu Salah rigoodhe u saxeexay.

Damaashaadyo ayaa ka bilawday garoonka dhexdiisa iyo debadiisaba, waxaana geggida dhexdeeda soo buuxiyey taageerayaasha xulka Egypt farxad darteed, garoonkiina wuxuu isu rogay barxad damaashaad.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barbar-dhicii Tir-tiray Rajadii Xulka Scotland Ee Koobka Aduunka

Houston Astros vs Boston Red Sox | ALDS Game 4 Full Game Highlights

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com