1:25 pm - Saturday June 24, 2017

Maxay ka wadahadleen Guddoomiyaha Real Madrid iyo Mulkiilaha PSG?

Khadar Dirir

Guddoomiyeyaha kooxda Real Madrid ee dalka Spain Florentino Perez iyo Mulkiilaha kooxda Paris Saint Germain ee Waddanka Faransiiska Sheikh Nasser Al-Khelaifi ayaa kulan gaar ah ku wada yeeshay Magaallada Paris iyagoo sidoo kalena wada daawaday kulan ka tirsanaa ciyaarta Tennis-ka French Open ee loo yaqaanno “Roland Garros”. Saxaafadda Spain iyo kuwa Faransiiska ayaa wax ka qoray waxa isu keenay labadan masuul oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, waxaana dhammaan Jaraa’idku sida “El Mundo, AS, Marca, El Confidential iyo Le Parisien” ay isku raaceen in ay ka wada hadlayeen arrimo ku saabsan Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

PSG oo horrey Real uga iibisay tababarihii u horseeday Koobkoodii 10-aad ee Champions League xilli ciyaareedkan Carlo Ancelotti ayaa haatan waxay kooxda  ka dooneysaa ciyaartooy ay ka mid yihiin; Iker Cassilas, Angel Di Maria iyo Karim Benzema, halka Real iyana PSG ka dooneyso 21-jirka ay aadka isugu fiican yihiin Ancelotti ee Marco Veratti.

Waxaa kaloo Wargeysyadu ay sheegayaan in PSG aanay faraha la geli doonin Real Madrid heshiiska ay ku dooneyso in ay kula soo wareegto Weeraryahanka Liverpool Luis Suarez.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Lampard Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Chelsea Ka Tagayo

Taageereyaasha Barca: Garamada Real Madrid Waa Kuwii Haweenka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: