Maxkamadda Sare ee Spain Oo Diiday cusboonaysiin Lagu Sameynayay Bernabeu

Real Madrid oo jawaab ka bixisay go’aanka maxkamaddu xayiraadda ku saartay dhismaha garoonka Santiago Bernabéu

Maxkamadda sare ee dalka Spain ayaa xayiraad ku soo rogtay qorshe la doonayey in dibu-habayn iyo ballaadhin lagu sameeyo garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu.

War-saxaafadeed ay Real Madrid baahisay ayay ku sheegtay in maxkamadda sare ee Spain eek u taalla magaalada Madrid ay diiday heshiis laga bilaabo bisha November 15, 2015 dib u habayn iyo casriyayn lagu samayn lahaa Bernabeu stadium.

Kooxdu waxa ay sheegtay in Golaha deegaanka ee magaalada Madrid ay hore ugu heshiiyeen dhismaha garoonka isla markaana ay isla qaateen qaababka qurxinta, naqshadda iyo dhamaan faahfaahinaha kale ee sida uu garoonku noqon doono, hase yeeshee go’aankan ay maxkamaddu gaadhay uu joojinayo hawlahaas oo dhan.

War-saxaafadeedka Real Madrid, ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Iyada oo la raacayo sharciga, Real Madrid waxa ay la shaqayn doontaa Golaha Deegaanka caasimadda iyo guddida arrimaha bulshada ee Madrid si la isula eego dhamaan waxyaabaha dareenka keenay si Santiago Bernabeu mashruuciisu u hirgalo”.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wasiirka Ciyaaraha Oo Muddeeyay Qabashada Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Murray Oo U Gudbay Wareega 2-aad Tartanka Tennista Ee Ka Socda Rotterdam

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com