Ciyaar la daawanayey waaberigii wakhtiga Bariga Afrika oo ay isku haleeleen kooxaha Memphis Grizzlies iyo Utah Jazz ee horyaalka kubadda Kolayga Maraykanka ee NBA ayaa ku dhamaatay natiijo ka farxisay Griezzlies, kaddib markii xiddigaheedu ay sida daadka u jiidheen Jazz oo diciifnimo dhinaca difaaca iyo dhalinta goolasha ahba haysatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay labada kooxood aad isugu dhowaayeen, waxaanay ku kala baxeen 19-18 ay dhibic sarraysay Memphis, laakiin qaybta dambe ayay haddana mar kale muujisay inay ka awood badan tahay Jazz, waxaanay ku badisay 23-17. Qaybta saddexaad ayey mar kale Memphis dhashatay 21 dhibcood, iyadoo Utah Jazz dirqi ku heshay 16 dhibcood. Qaybta ugu dambaysay ayaa waxa 25 dhibcood dhalisay Memphis Grizzlies, halka Utah Jazz oo isa soo canaanatay ay 28 dhibcood ku badisay.

Isugeyn waxa 88 dhibcood guushu ku raacday Memphis Grizzlies halka Utah Jazz ay la carrowday guul-darro iyo 78 dhibcood.