Messi: Barcelona Jid Dheer Ayaa Ka Horreeya

Mucjisada gaaban ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa u sheegay ciyaartooyada iyo asxaabtiisa Barcelona in aanu dhoweyn dariiqa ay ku gaadhayaan guusha, isla markaana si ay guul ugu damaashaadaan loo baahan yahay in ay si adag u shaqeeyaan illaa ciyaarta ugu dambaysa.

 

Messi ayaa gool uu kubadda soo Xooday, ka dhaliyey Almeria kulankii ay xalay Barcelona ku garaacday 4-0, waxaanay guushaasi u saamaxday in ay afar dhibcood oo saafi ah ka horreeyaan Real Madrid oo kaalinta labaad fadhida.

Lionel Messi ayaa qayb libaax ka qaatay 9 kuulan oo xidhiidh ah oo ay Barcelona badisay horyaalka La Liga, kaliya sannadkan 2015 waxa ay khasaartay hal kulan.

 

“Waxaanu ka guuleysanay Almeria, laakiin wali jidku waa dheer yahay, waa in aanu halganno ciyaar kasta.” Sidaas ayuu Messi ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Leo oo ay da’diisu tahay 27 jir iyo kooxdiisa wax aka horreeya ciyaaro adag, iyagoo sabtida booqan doona Sevilla, kaddibna Champions League ay isku haleeli doonaan PSG, waxana Sabtida ku xigta ay kulmi doonaan Valencia ka hor inta aanay mar kale PSG isku soo noqonin.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dani Alves Oo Ku Sii Jeeda Manchester United

Roberto Carlos oo soo xushay kooxdiisa Riyada Champions League… oo ay calanka u sidaan Ronaldinho, Maldini, Makelele (iyo Isaga laftiisu !)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com