Messi: Dhibaatada Rikoodheyaasha Ayaa Walaac Igu Haysa

Lionel Messi ayyaa qirtay in mushkilad iyo walaac weyn ay ku buurto dhalinta rikoodheyaasha, kuwaas oo muddooyinkii u dambaysay ay dhibaato ka haysatay.

Xiddiga Barcelona iyo Argentina ee Messi ayaa waxa uu kooxdiisa iyo waddankiisa ka khasaariyey xili ciyaareedkan afar rikoodhe oo uu ku jiro mid laga qabtay kulankii Manchester City ee Champions League, ciyaartii Copa del Rey ee Atletico Madrid iyo waliba ciyaaar saaxiibtinimo oo dalkiisa Argentina ay isga hor yimaaddeen Brazil.

27 jirkan ayaa in kasta oo aanay fiicnayn qaabkiisa rikoodhe dhalintu haddana waxa uu wali yahay ninka koowaad ee kooxdaas u laada rikoodheyaasha, waxase uu qiray in arrintaasi ay mushkilad ku hayso.

“Haa, dabcan khalkhal iyo walaac ayay ku ridaa in aan ka khasaariyey rikoodheyaal badan kooxdayda iyo Argentina labadaba.” Sidaas ayuu yidhi Messi oo u warramay wargeys ka soo baxa Barcelona.

“Waxaan ahay qofka u xil saaran laadista rikoodheyaasha, laakiin marka ay goolwadeyaashu ku dersaan, waxay garanayaan sida aad ku fikirayso. Waa run ciyaartoyga si fiican u laaga rikoodheyaasha lagama qaban karo, laakiin hadda way adag tahay in rikoodheyaasha la laado.” Sidaas ayuu yidhi Messi.

Messi waxa uu sheegay in uu go’aamo khaldan qaatay markii uu rikoodhaha ku laagayey Manchester City iyadoo haddii uu goolkaas ka dhalin lahaa ay kooxdiisa faa’iido badan u noqon lahayd.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

QPR Oo Garoomada Ka Mamnuucaysa Taageerayaashii Shiidey Chelsea

Champions league: Milicsiga taariikhda iyo kulanka caawa ee Atletico v Real

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com