11:39 pm - Thursday July 27, 2017

Messi ma jabin doonaa Rikoodhka Gool-dhalinta Ronaldo Ee Champions League Heerka 1aad ?

Aidarous
single-thumb.jpg

Lionel Messi ayaa haysta fursad uu ku jabin karo rikoodhka gool dhalinta Cristiano Ronaldo ee  Champions League heerkiisa group-yada, ciyaarta Barcelona ay Borussia Monchengladbach ku soo dhawaynayso Camp Nou Khamiista.

messi-barcelona-celtic-champions-league

Ronaldo ayaa shabaqa dhex dhigay 11 kubaddood ciyaarihii sanadkii hore Champion-ka heerkiisa hormaynta, isagoo afar kamid ah goolashaas ka xareeyey naadiga Malmo ciyaartii u dambeysay, laakiin, rikoodhkaas taariikhiga ahaa, ayaa imika qarka u saran in la jabiyo, maadaama Messi uu isna sanadkan wacdaro la soo baxay.

Laacibka xulka Argentina, ayaa sagaal gool dhaliyay afartii ciyaarood ee uu imika saftay – wuxuu ka maqnaa oo aanu ka qayb galin ciyaartii Barca ay garoonkooda ku booqatay Monchengladbach dhaawac dartii – doorkan ayuuse damacsan yahay inuu saddex ley ka xareeyo kooxda horyaalka Bundesligaha ka ciyaarta, si uu u jabiyo oo waliba u dhaafo xiddiga ay ficiltamaan.

In kasta oo aanay Messi u fududayn kulankan sidii uu saddex gool uga dhalin lahaa, haddana waxaa xusan mudan inaanu ciyaaryahana dhalinin ciyaar Champions League ah tiro saddex gooley ah oo ka badan inta uu ka dhaliyey weeraryahankan gaabani.

Xaqiiqadu waa, inuu laba jeer min saddex gool dhaliyey Champions League sanadkan, kuwaas oo uu ka kala xareeyey Celtic iyo Manchester City, haddii uu tan ku darona, wuxuu jebin doonaa rikoodh ah inuu todoba jeer horyaalka naadiyada Yurub ka dhaliyey saddexley, 29 jirkan afka hore aan lagaga daba dhufan.

Waxaa intaas dheer, haddii ay u suurto gasho inuu 3 gool ka dhaliyo kulanka Khamiista ee Monchengladbach, Messi jabin maayo oo kaliya rikoodhka gool dhalinta Ronaldo ee Heerka Groups ka, balse wuxuu sidoo kale la sinmi doonaa tirada goolasha guud ee xiddiga reer Portugal ka dhaliyay Champions League oo ah 95 gool, waliba isaga oo tirada kulanada uu saftay aanay u dhawayn.messi-ma-jabin-doonaa-rikoodhka-ronaldo-ee-goolasha-cl-groups

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Antonio Valencia oo ku Guuleystay Laacibka Bisha ee Manchester United

Xasan Waraabe Cadde“Wasiirkii Hore Ee Ciyaaruhu Kamuu Dhabaynin Hamilooyinkii Wasaaraddu Lahayd, Waanu Ku Haftay Xilkii Ballaadhnaa”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: