11:22 am - Friday June 23, 2017

Messi Oo Daqiiqadihii Lagu Daray Ciyaarta, Argentina U Diray Wareega 16-ka

Aidarous

Laacibka xulka qaranka Argentina ee Leonel Messi ayaa kubad aad u qurux badan oo uu shabaqa ku hubsaday daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ugu horseeday xulkiisa Argentina inay 1-0 kaga dul talaabsadaan xulka Iran,  ciyaartii labaad ee Group F oo xallay ka dhacday garoonka Estadio Mineirao ee magaalada Belo Horizonte.

Messi oo ahaa ninkii u horseeday guusha kulankii koowaadna uu xulka Argentina ka gaadhay Bosnia, ayaa markale gool aan quruxdiisa la malayn Karin dhabarka kaga jabiyey xulka Iran oo isku dayayay inay ku guntadaan ciyaartii labaad oo Bareejo gool la’aan ah ugu dhamaata goolka aduunka.

Kulanka oo qaybtii hore ay maamulanaysay Argentina , ayay Iran la soo baxday awood qaybtii dambe ee ciyaarta, kubado badana ay khasaarisay, waxaana la odhan karaa , waxay u qalmayeen ugu yaraan Barbar dhac.

Group F oo ay Argentina iyo Iran ka sokow ku jiraan, Nigeria iyo Bosnia-Herzegovina , ayaa waxa sidaas ugu gudubtay wareega 16 ka, kooxda Koonfurta Maraykanka ka socota.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Goolhayihii Xulka Maraykanka Ee Haweenka oo xabsiga Loo Taxaabay

Rooney Oo Raali gallin U Diray Taageerayaasha Xulka England

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: