Messi Oo Ka Hadlay Dhibaatada Barcelona La Kulmi Doonto Haddii Neymar Ku Biiro Real Madrid

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay wararka saaxiibkiisi hore ee Neymar JR sida aadka ah ula xidhiidhinaya kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Real Madrid isagoo sheegay iney noqon doonto dhibaato weyn isla markaana uu xiddiga ree Brazil Los Blancos ka dhigi karo kuwo sidii hore ka xoogan.

Neymar ayaa si culus loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegay inuusan wali ku xasilin kooxdiisa haatan ee Paris Saint-Germain walow uu xiddigu dhawaan shaaciyay inuu kaliya diirada ku hayo koobka aduunka ee 2018.

Haddaba Lionel Messi oo waraysi siinayay TyCSports ayaa sheegay inuu Neymar kala hadlay arintaasi isla markaana ay dabayl xoogan ku noqon doonto kooxdiisa Barcelona haddii uu saaxiibkiisii hore ku biiro cadawgooda ugu weyn.

Messi oo ka hadlaya arrintaasi ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Waxay noqon doontaa dhibaato, Maxaa yeelay waxaa oo dhan oo uu Neymar uga dhigan yahay Barcelona”

“Halkan waxa uu ku guuleystay koobab muhiim ah, Waxa uu ku guuleystay Champions League waxayna dabayl xoogan ku noqon doontaa qof kasta”

Ugu dambeyn Lionel Messi ayaa wax laga waydiiyay haddii Neymar uu noqon doono Luis Figo-ha cusub isla markaana uu mari doono dariiqii halyeeyga ree Portugal ayaa ku jawaabay “Waxa ay Real Madrid ka dhigi doontaa kuwo sidii hore ka xoogan, Isaga waan kala hadlay, Wuu ogyahay fikradahayga”


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.