Messi Oo Kaliya Ayaa Ka Dheereya Mohamed Salah

Mohamed SalahLaacibka Reer Masar ee Mohamed Salah ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A tan iyo intii uu ku biiray kooxda Fiorentina.

Weeraryahankan reer Masar ayaa xalay kooxdiisa ka caawiyey in ay Roma ku garaacdo 3-0 isla markaana ay u gudubto wareegga 16-ka ee tartanka Europa League.

Tababaraha Fiorentina, Vincenzo Montella ayaa oo ka hadlay qaab ciyaareedka mucjisada ah ee uu Mohamed Salah la soo baxay mid ku dhow qaab ciyaareedka Lionel Messi, isla markaana uu aad u dheereeyo marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto.

“Waxay ila tahay in uu meeshii wanaagsanayd yimid, annaguna waanu ka faa’iidnay” sidaas ayuu yidhi Montella oo u warramay Mediaset Premium.

Montela waxa uu sheegay in uu shakhsiyan sii yaqaanay qaab ciyaareedka Salah, isla markaana uu filayay in uu saamayn ku yeelan doono kubadda wadanka Talyaaniga.

“Waxa laga yaabaa in Messi oo kali ahi uu ka dheereeyo marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto” sidaas ayuu mar kale yidhi Montella.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Luis Enrique Oo Saadaal ka bixiyey ciyaarta Clasico

Europa League: Isku-Aadka Wareegga 8-Da Kooxood Iyo Sida Laysku Haleeli Doono

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com