Messi Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Ka Dhigaya Ciyaaryahanka Ugu Mushaharka Badan Dunida

Lionel Messi ayaa la saxeexday kooxdiisa Barcelona heshiis cusub oo ka dhigaya xidiga ugu mushaharka badan dunida , sanadkiina uu ku qaadan doono lacag dhan £16.3million.

Ciyaaryahanka Aabihii iyo masuuliyiinta ugu saraysa kooxda ee Javier Faus iyo Antoni Rossich ayaa kulan dhex maray todobaadkii hore waxay iskula meel dhigeen qorshaha heshiiskii 7 aad mudaddii 11 sano ahayd ee uu naadiga la joogay uu ciyaaryahankan laacibka aduunka 4 jeer loo caleemo saaray.

Messi oo bisha inagu soo foolka leh ee June, 27 jirsanaya ayaanu heshiiskan cusubi waxba ku kordhinayn mudaddii uu ku ekaa heshiiskii hore oo ahayd 2018.

Heshiiskan cusub ayaa ka dhigaya Messi mid ka sareeya xidiga aduunka ee hadda ee Cristiano Ronaldo, oo isagu sanadkii xoogsada  £15m.

Laacibka ugu mushaharka badan horyaalka Ingiriiska oo ah Wayne Rooney, ayaa laftiisu ka sareeya Ronaldo , sanadkiina la siiyaa mushahar dhan £15.6m (£300,000 todobaadkii).