1:29 pm - Wednesday June 28, 2017

Messi Oo Saddex Gool Guusha Ugu Horeyseeday Barca Ciyaarta Adag Ee El Clasico ( Sawiro )

Aidarous

Messi iyo SxbadiiLaacibka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina , Leonel Messi ayaa wacdaro ku dhigay kooxda Madrid oo Gurigeeda Bernabeu ay marti Ugu Ahayd Barcelona, kadib markii Saddex gool oo uu ka dhaliyey iyo Goolkii furitaanka oo uu Iniesta dhaliyey waxba kama jiraan ka dhigaan 2 gool oo Banzema dhaliyey iyo gool uu Cristiano Ronaldo shabaqa dhigay, kulankii caawa ee horyaalka Spanishka.

El Clasico 24 March 2014 a

Ciyaar aan waxba la isula hadhin oo ka dhacday Bernabeu Stadium ayay guushu ku raacday 3-4  kooxda Catalan.

kubad uu ka shaqeeyey Messi ayuu shabaqa dhigay Andrés Iniesta , ayaa waxa barbareeyey Karem Banzema oo kubad qurux badan ka hellay xidiga baasha ka ciyaarayay ee Angel Di Maria, Banzema ayaana gool labaad u raaciyey  ka hor intii aanu Messi barbar dhacaka dhigin daqiiqado ka hor nasashada qaybtii hore ee ciyaarta .

Messi Oo Dhex qaadaya

Markii la isugu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ,  rigoodhe lagu gallay Cristiano Ronaldo ayaa waxa gool u bedelay  isla Ronaldo ciyaartana ka dhigay 3-2 ay hogaanka ku hayso kooxda Madrid.

Laakiin daqiiqadii 63 aad ee ciyaarta , kubad gool loo filan karayay oo uu watay weeraryahanka Brazilian ka ah ee Neymar ayaa waxa ku xanaaqay difaaca Madrid , Sergio Ramos , taas oo keentay in ciyaarta dibada looga saaro Ramos , rigoodhahaasna uu shabaqa dhigo Leonel Messi.

Markii ay ciyaartu maraysay 84 , Rigoodhe lagu gallay Andrés Iniesta, ayaa waxa gool u bedelay ciyaaryahanka xidiga ciyaarta ahaa ee Messi oo goolashaas saddexda ah ee uu dhaliyey ay rigoodh cusub u dhigeen gool dhalinta ciyaarta El Clasico.

Ronaldo oo dabaal

Messi ayaa jabiyey rigoodh kii hore uu u dhigay weeraryahankii Di Stefano oo uu mudo dheer ka hor ku xidhay 18 gool oo uu ka dhaliyey kulanka labada naadi ee Barcelona iyo Real Madrid , sidaas ayaanu Messi ku noqonayaa ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan kulanka labadan kooxood ee ficiltanku ka dhaxeeyo , maadaama oo uu dhaliyey 21 Gool, kulamo 27 ah oo uu saftay El Clasico.

Ramos oo Casaan

Kooxda Barcelona ayay guusha ay ka gaadhay Madrid ka dhigaysaa kooxda Kaalinta Saddexaad ee Kala horeynta horyaalka La Liga , waxaanay dhibic kaliya ka hooseysaa Kooxaha  Real Madrid iyo Atletico Madrid oo min 70 dhibcood leh , waxaana Liiga goolal ku hogaaminaysa kooxda Atletico Madrid.

 

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Messi Oo Jebiyey Rikoodhkii Gool Dhalinta EL Clasico ee Uu Dhigay Di Stefano

Taageereyaasha Arsenal Oo Gabay U Tiriyey Tababare Wenger

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: