Messi oo shaaca ka qaaday ciyaartoyga uu jecelyahay inuu la kulmo finnal koobka aduunka

26 jirka reer Bercelona iyo xulka kubada Cagta Argentina ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu hamuun Qabo in uu mar un istaago ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka kubada cagta Aduunka.
Xidiga afarta jeer ee isku xiga ku guulaystay abaalmarinta ugu saraysa kubada cagta ayaana intii Uu ku guda jiray xirfadiisa kubada cagta aan iska xaadirin ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka aduunka.
Isaga oo la hadlayaa warbaahinta ayuu yidhi “waa riyo aan leeyahay marwalba in aan gaadho Finnal Koobka Aduunka”
Waxaan ku rajo weynahay in aan Neymar la ciyaaro ciyaarta kama danbaysta ah ee koobka Aduunka ayuu ku daray hadalkiisa.
Sidoo kale Messi ayaa sheegay in uu sixi doona qaladaadkii hore ee uu galay sanadihii tagay, Waxaanu rajo weyn ka muuujiyey in uu talaabo hore u qaadi doono.