Mesut Ozil Oo Lagu Dhalleeceeyey Garan Ay Kala Beddesheen Kondogbia

Ozil1

Laacibka dhexe ee Arsenal, Mesut Ozil ayaa la kulmay eedayn ba’an kadib markii ay shaadhka kala beddesheen ciyaartoyga Geoffrey Kondogbia dhamaadkii qaybta hore ee ciyaartii xalay dhex martay Arsenal iyo Monaco, taaas oo Gunners laga reebay Champions League.

Ciyaar ka dhacday garoonka Stade Louis II ayay Arsenal ku badisay 2-0, laakiin lugtii hore oo dhamaatay 3-1 ayaa Monaco ka caawisay in ay u baxdo wareegga Quarter Final-ka ee Champions League.

Ozil

Paul Scholes oo falan-qeeye ka ahaa ciyaartii xalay isaga oo metelayey telefishanka ITV, ayaa waxa uu si adag u naqdiyey falka uu Ozil shaadhkiisa ugu beddelay Kondogbia daqiiqaddii 45aad markii loo sii baxayay wakhtiga nasashada.

Scholes oo ka hadlayay arrintaas ayaa waxa uu yidhi: “Ma jecli waxan uu samaynayo. Dhamaadka ciyaarta, waa laga yaabaa in shaadhka la kala beddelo, laakiin wakhtigan anigu ma taageersani.”

Scholes waxa uu sheegay in ciyaartoygu marka uu garoonka ka baxo ee uu galo qolka lebbiska ama uu sii socdo dariiqa qolka lebbiska loo maro uu garankiisa u beddeli karo ciyaartoy kale, balse ay adag tahay in la aqbalo in shaadhka qaybteeda hore loo beddelo ciyaartoy aanu weli dagaalkoodu dhamaanin.

Beddelka shaadhka ee Ozil ayaa la mid ahaa fal uu hore u sameeyey difaacyahankii Arsenal ee Andre Santos oo Robin Van Persie shaadhka ka beddeshay sannado ka hor markii loo sii baxayay wakhtiga nashada.

 

Santos oo weydiistay Van Persie shaadhkiisa wakhtigii nasashada

Santos oo weydiistay Van Persie shaadhkiisa wakhtigii nasashada

Van Persie oo u ciyaarayay Manchester United ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Old Trafford ayaa waxa uu shaadhkiisa siiyey Santos, waxaana arrintaas ka gadooday taageereyaasha Arsenal hase yeeshee Santos ayaa markii dambe raalli-gelin ka bixiyey.

Macallinka Arsenal, Wenger ayaa dhacdada uu Santos sameeyey waxa uu ku tilmaamay in difaacyahankaas reer Brazil uu ka yaabiyey markii uu falkaas sameeyey, waxaanu taageereyaasha u ballan-qaaday in aanay mar dambe dhacdadaas oo kale soo maraynin. Ballanqaadka Wenger ayaa beenoobay xalay, waxaana sameeyey isla falkaas oo kale mid ka mid ah ciyaartooyada loogu jecel yahay garoonka Fly Emirates.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester United oo albaabada u furtay Gareth Bale Iyo De Gea Oo La Fasaxayo

Pep Guardiola Oo Daawan doona kulanka Caawa ee Barcelona vs Man City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com