Mesut Ozil Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixay Arsenal

Laacibka xulka qaranka Jarmalka Mesut Ozil ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay sababaha ku dhaliyay in qandaraas cusub la galo Arsenal, isagoo sheegay in uu helay talooyin fara badan oo arintaasi ku aadan.

Ozil ayaa dhawaan heshiis cusub u saxiixay Arsenal, waxaana uu meesha ka saaray warar badan oo shaki galinayay mustaqbalkiisa Emirates.

Manchester United, Inter Milan, Paris Saint-Germain iyo koox ka ciyaarta China Super League oo aan magaceeda la sheegin ayuu diirada u saarnaa laacibkii hore ee kooxda Real Madrid.

Ozil ayaa sheegay in xubno kamid ah qoyskiisa ay kala hadleen mustaqbalkiisa isla markaana ay kula taliyeen in heshiis cusub aa la galo kooxdiisa Arsenal.

Arsenal fans convinced Mesut Ozil is staying after latest home improvement

“Waa arin qurux badan in waqti badan aan halkan ku qaadan doono”. ayuu Ozil yiri

“Waan ku faraxsanahay in aan waqti dheeraad ah heshiis la galo koox weyn sida Arsenal oo kale”.

“Mar waliba maamulka waan u sheegi jiray in aan ku faraxsanahay halka aan joogo, ugu danbeyntii waan saxiixay”.

“Xidigaha kooxda iyo qoyskeyga ayaa mar waliba I caawinayay, waxaan leeyahay hadafyo badan inta aan joogo Arsenal, wayna iga go’antahay in hadafyadaasi aan gaaro”.