Michael Carrick Oo Shaaciyey Inuu Ka Fadhiisanayo Kubadda Cagta

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Michael Carrick ayaa ku dhowaaqay inuu dhamaadka xili ciyaareedkan ka fadhiisan doono ciyaaraha.

Carrick oo ay da’diisu tahay 36 jir ayaa u ciyaaray Manchester United 463 cciyaarood tan iyo markii uu kusoo biiray sannadkii 2006, markaas oo ay Tottenham kaga soo iibsatay lacag dhan £18 milyan.

Heleygan lama taabtaanka ka ahaa Man United ayaa sidoo kale xulka qaranka England u ciyaaray 34 kulan oo kaliya.

“Waxa imanaysa wakhti jidhkaagu kuu sheegayo inaad gaadhay wakhtigii aad joojin lahayd ciyaarista. Halkaas ayaan joogaa.” Sidaas ayuu yidhi Carrick.

Carrick waxa uu sheegay inuu filayo in uu shaqo tababarenimo ka qabto kooxda koowaad oo horena loogu soo bandhigay isla marka uu ka fadhiisto ciyaaraha.

Bishii January, tababare Jose Mourinho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay haddii Carrick uu go’aan ku gaadho inuu sii joogo United oo uu shaqo aan ciyaaris ahayn ka qabto.

Xili ciyaareedkan ayaa waxa lasoo deristay caafimaad darro dhinaca wadanaha ah, waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen in garaaca wadnihiisu aanu sax ahayn, taas daraadeedna waxa uu United u ciyaaray afar kulan oo kaliya.

“Kaddib dhibaatadii wadnaha, laba ama saddex maalmood ayaan ka fikirayey inaan sii ciyaaro iyo inkale. Anigoo caafimaad qaba ayaan soo laabtay si aan heshiiskayga u dhamaysto.” ayuu ku daray.

Carrick ayaa xirfadda kubadda cagta ka bilaabay naadiga West Ham oo uu da’yarteeda kasoo baxay waxaana uu u ciyaaray 150 kulan ka hor intii aanu sannadkii 2004 u wareegin Tottenham.

Laba sannadood oo kaliya markii uu Spurs u ciyaarayey waxa uu uga sii guuray Old Trafford oo uu kusoo dhoweeyey Sir Alex Ferguson, halkaas oo uu kula guuleystay shan jeer horyaalka Premier League iyo hal Champions League.

Sidoo kale, laba jeer ayaa uu niyad jab kala kulmay tartanka Champions League oo ay kooxdiisu tagtay finalka, kuwaas oo ahaa sannadihii 2009 iyo 2011 oo ay Barcelona ka qaadday.

Xili ciyaareedkii hore, waxa uu ka mid ahaa xiddigihii Man United ee ku guuleystay Europa League.

Muddada uu joogay Manchester United oo 12 sannadood ah, waxa uu u dhaliyey 14 gool, hase yeeshee, shaqada uu khadka dhexe ka qabtay ayaa ka dhigtay halyey ka gaboobay wakhti loo baahan yahay.

 

Koobabkii uu Carrick la qaaday Manchester United