Mid Ka Mid Ah Ciyaartooyada Chelsea Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Mid ka mid ah ciyaartooyada da’da yar ee kooxda Chelsea ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedaynayo kufsi.

Laacibkan oo lagu magacaabo Wallace, una dhashay wadanka Brazil ayay Chelsea amaah ugu dirtay kooxda Vitesse, waxaase ay boolisku qabteen manta gellinkii dambe kaddib markii la sheegay in uu faro xumeeyey haweenay, waxaana markiiba laga qaaday tallaabo degdeg ah oo xabsiga lagu dhigay, iyadoo laga reebay liiska ciyaartooyada horyaalka dalka Holland ee toddobaadkan.

Wallace oo ay Chelsea sannadkii 2013 ka soo iibsayay Fluminense oo ka dhisan wadanka Brazil, ayaa isla markii ay amaahda ku qaadatay Vitesse waxa uu jebiyey shuruucda u taalla kooxdaas, waxaana uu muddo ka yar 48 saacadood isagoon kooxda joogin uu tegay baar lagu caweeyo.

Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Paul Koetsier ayaa u sheegay warbaahinta in boolisku aanay si dhab ah u xaqiijinin eedaynta loo xidhay ciyaartoyga, laakiin ay socdaan baadhitaano lagu xaqiijinayo sida ay wax u jiraan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciyaartoygan loo xidhay tuhun la xidhiidha kufsi.

Afhayeen u hadlay kooxda uu ciyaartoygani ka tirsan yahay ee Vitesse oo lagu magacaabo Wiebe Nelissen, ayaa waxa uu sheegay in ay fahamsan yihiin in ciyaartoygan loo xidhay fal kufsi, laakiin ay sugayaan inta xaqiiqada ay boolisku soo saarayaan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Vitesse ayaa waxa kale oo lagu sheegay in kooxdaasi ay difaacyahankan reer Brazil ka saartay liiska ciyaartooyadeeda ee toddobaadkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ibrahimovic Oo Ganaax Culus Laga Saaray Ciyaaraha kadib aflagaadadii uu u geystay France

Kooxda Toddobaadka ee horyaalka Spain Iyo Ragga Ku Kulmay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com