Mid ka mid ah ciyaaryahanada RealMadrid oo u ka soo yeedhay hadal xaada ku dhaqaajinaya 

Laacibka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Real Madrid Angel Di Maria ayaa shaaca ka qaaday in aanu  ugu dambeyn dhihi karin inuu sii joogayo caasimadda Spain, markii uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga. Angel Di Maria ayaa la sheegayey in kooxo badan ay xiiseynayaan saxeexiisa xagaaga, laakiin xiddigan ayaa ka dhawaajiyey in mustaqbalkiisa uu ku jiro gacmaha kooxda Real Madrid.

Di Maria ayaa xilli ciyaareedkan waqti fiican ku qaatay kooxdiisa Real Madrid, isagoona kula guuleystay koobab ay ka mid yihiin Champions League iyo Copa del Rey. 26-sano jirkan ayaa la la xidhiidhinayey kooxo badan oo ka ciyaara horyaalka Premier League, laakiin waxa uu caddeeyey inuu ku faraxsan yahay inuu la sii joogo kooxda uu haatan ka tirsan yahay, waqti dheerna ku qaato Santiago Bernabeu. “Ma doonayo inaan been sheego, waan ogahay inay kooxo badan ay doonayaan saxiixeyga, laakiin waxaan barbardhigi doonaa dalabka Real Madrid, balse waxay u taalaa wakiilkeyga iyo kooxda, waan joogi doonaa haddii kooxdu ay dooneyso inaan sii joogo.” ayuu Di Maria u sheegay jariiradda Marca “Haatan go’aan kama gaadhayo mustaqbalkeyga, waxaan arki doonaa waxa ay Real Madrid maskaxda ku hayso, haddii ay doonayaan inaan sii joogo iyo inaan ka dhaqaaqo kooxda.”Waan ku faraxsanahay Madrid, waxaan ku qaatay xilli ciyaareed weyn, waxaana had iyo jeer ku haystaa taageerayaal.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaryahan Paul Scholes oo ku dooday in England ay soo man-guuriso qaab ciyaareedka Liverpool

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Booqasho Ugu Tagay Xarunta Tababarka Ee Xulka Qaranka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com