Ac Milan Oo Ciyaaryahan 15 Jir Ah Naadiga Heerka Koowaad Si Rasmi Ah Ugu Dartay

Kooxda horyaalka Talyaaniga ee Ac Milan ayaa shaaca ka qaaday in wiilka mucjisada ah ee Hashim Mastour oo 15 jir ah uu si rasmi ah ugu biiray naadigeeda heerka koowaad.

Hashim Mastour ayaa noqonaya laacibkii ugu yaraa ee abid u ciyaara Milan,  waxaanay kooxdu daboolka ka qaaday in kulankiisii koowaad uu naadiga u safan doono ciyaarta maalinta Axada ah ee ay ka hortagayaan kooxda Sassuolo.

Rikoodhka laacibkii ugu yaraa ee u safta Milan ayaa waxaa hore u haystay oo Hashim ka bedelayaa imika wixiii ka dambeeya, difaacyahankii hore ee naadiga Ac Milan, Poalo Maldini oo isagu ciyaartii koowaad u saftay kooxda, isagoo da’diisu tahay 16 jir iyo 208 maalmood sanadkii 1985.

Weeraryahankan da’da yar ayaa kaga soo wareegay lacag dhan £500,000 naadiga Reggina sanadkii hore, markaas oo uu wacdaro ka dhigay tartanka kooxaha dhalin yarada ee wadanka Talyaaniga.

Adriano Galliani ayaa xaqiijiyey inuu naadiga heerka koowaad kamid noqonayo inta aan la gaadhin bilowga xili ciyaareeda dambe.

 Mastour, oo bisha dambe da’diisu noqonayso 16 sanno, ayaa la isku raacay inuu mustaqbalkiisa garoonka San Siro yahay mid ifaya , isla markaana uu waxtar weyn u yeelan doono kooxda mustaqbalka dhaw.

4095431